HMN:- Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Taliyaha Hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali ”Sambaloolshe”, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in C/kariin Sheekh Muuse ”Qalbi Dhagax” loo gacan galiyay dowlada Ethiopia.
Taliyaha Hay’adda ayaa sheegay in arrinta Qalbi Dhagax ay tahay mid ay dowlda Federaalka ka fiirsatay, isla markaana arrintaasi ay tahay mid xasaasi ah.
Sambaloolshe ayaa xaqiijiyay in Qalb Dhagax ay wareejisay dowlada Somalia, isla markaana ay dowladu tahay mid ka fiirsaneysa talaabada ay qaadeyso, taana horay looga fiirsaday.
C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) ayaa hadalkan ka sheegay kulan xalay su’aalo lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka tirsan Wasiiradiisa, kaasi oo loogu magac daray kulanka Xukuumadda iyo Saxaafadda.
Sambaloolshe waxa uu xaqiijin kadib cadeeyay in arrintan ay tahay mid xasaasi ah, oo aanay xilligan munaasib ahayn in laga hadlo, balse laga jawaabi doono waqtigeeda.
Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa ”arrinka la xiriira Sarkaalka la sheegay inuu ONLF yahay ee dowladdu wareejisay, sida aad la socotaanba arrinkaasi waa arrin xasaasi ah, oo ay tahay waqtigeeda iyo goobteeda in looga jawaabo. Anigoo afduubaya dowladda waxaan jeclaan lahaa inaan hadda laga hadlin”.
Intaa kadib Ra’isal wasaare Khayre oo hadalka qaatay, ayaa sheegay in soo jeedinta Taliyaha Sirdoonka Somalia ay u hogaansamayan soo jeedintiisa, isagoo kaga xog ogaalsan amniga dalka, sida uu hadalka u dhigay.
Qoraal ay shalay soo saartay Jabhada ONLF ee ka dagaalanta ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa lagu sheegay in DFS ay Ethiopia gacanta u gelisay C/kariin Qalbi Dhagax.
Qalbi dhagax, ayaa la sheegay in Somalia looga qaaday diyaarad gaara oo ay soo dirsatay dowlada Ethiopia, taa oo ay la socdeen afar Sargaal oo laba kamid ah ay ahaayen ciidamada is maamulka Soomaalida, waxaana la sheegay in si toosa loogu gacan galshay Sirdoonka Ethiopia.
Sirdoonka Ethiopia ayaa Qalbi Dhagax geeyay guri gaara, kaa oo inta badan lagu baaro shaqsiyaadka lala xiriiro argagixisada ama dhinacyada mucaaradka.
ONLF, waxa ay rumeysan tahay in Qalbi dhagax ay basaaseen dhalinyaro kasoo jeeda dhulka is maamulka Soomaalida, kuwaa oo si gaara uga dhex shaqeeya dowladaha Ethiopia iyo Somalia.
Dhinaca kale, ONLF ayaa dowlada Federaalka ku eedeysay inay ka shaqeyso keliya danaha dowlada Ethiopia, balse taa lagula xisaabtami doono xiligeeda.
Comments[ 0 ]
Post a Comment