HMN:- Warar hoose oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka howlgala Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo uu ku wajahan yahay magaalada Kismaayo.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu magaalada Kismaayo ku gaari doono Safar qaadan doona ilaa hal maalin, kaa oo lagu daweyn doono xiisad taagan.
Madaxweynaha ayaa gaari doona magaalada Kismaayo maalinta beri ah, waa haddii aan isbedel dhicin, waxa uuna la kulmi doonaa Madaxda Maamulka Jubbaland.
Mas’uul ka tirsan maamulka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in maalinta beri ah Madaxweynaha laga sugaayo magaalada Kismaayo.
Waxaa heegan la galshay ciidamada maamulka waxaana waddooyinka Kismaayo saacadihii ugu danbeeyay la dhigay gaadiid dagaal iyo ciidamo farabadan oo ka qeybqaadan doona amniga Madaxweynaha.
Dhinaca kale, Socdaalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan DFS iclaamisay dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab.
Comments[ 0 ]
Post a Comment