HMN:- Atirishada caanka ah Sonam Kapoor iyo jaceylkeeda Anand Ahuja ayaa lagu arkay xaafada Bandra ee magaalada Mumbai ka tirsan xili ay baadi goob ugu jireen guri ay wada dagaan.
Anand Ahuja iyo Sonam Kapoor waxay u dabaal dageen maalmo ka hor inay hal sano si rasmi ah jaceyl kaga dhaxeeyo waxaana lagu kalsoon yahay in dhawaan nolosha si rasmi ah u qeebsan doonaan.
Hadaba shabakada Business of Cinema waxay sheegtay in Sonam Kapoor iyo Anand Ahuja haatan guri ay wada dagaan ka baadi goobayaan xaafada Bandra ayagoo rabaan inay hada kadib hal meel ku wada noolaadaan.
Dhinaca shaqada Sonam Kapoor waxay haatan duubeysaa fiimka Padman oo ay Akshay Kumar la jileyso sidoo kalena dhawaan filimka Veere Di Wedding oo ay Kareena Kapoor Khan isla jilayaan ayay duubis ku bilaabi doontaa.
Comments[ 0 ]
Post a Comment