HMN:- Lamaanaha aan kala harin Alia Bhatt iyo Siddharth Malhotra ayaa xalay waqti wada qaateen xili ay todobaadka hawlaha ay haayeen ka nasanayeen.
Waxaa saxaafada soo jiitay in Alia iyo Siddharth ay dhar isku midib ah soo qaateen waxayna wateen dhar midibka hurdiga ama jaalaha ah.
Alia Bhatt Make UP la’aan ayay iska nuureysaa sida saxaafada u aragto sidoo kalena Siddharth Malhotra daganaan ayaa ka muuqatay madaama uusan ka qajileyn in sawiro laga qaado asigoo jaceylkiisa waqti la qaadanayo.
Dhinaca shaqada Siddharth iyo Alia waxaa la sheegay inay dhawaa ka hawl gali doonaan filimka Aashique 3 oo ay labadaan hogaamiye ka yihiin waana filim Classic ah oo ay lamaanahan kusoo baxayaan.
Fadlan hoos kaga bogo sawiro dheeraad ah oo Alia iyo Siddharth laga soo bandhigay xili ay xalay waqti wada qaateen:

Comments[ 0 ]
Post a Comment