HMN:- Atirisahada laga daba dhacay Deepika Padukone ayaa kasoo yeeray hadal loo fahmay in haatan nolosheeda muhiim u ahayn wiilka mudada dheer saaxiibka la ahaa Ranveer Singh.
Deepika Padukone waxay noqotay atirisho caalami ah ayadoo bilawgii sanadkii usoo baxay filimkeedii Hollywood-ka ahaa ‘xXx: Return of Xander cage kadibna dhawaan waxay ka qayb gashay xafladii Oscar 2017.
Hadaba Deepika xiligaan uma soo jeedo xiriir iyo waqti la siiyo lamaane ayadoo qorshe fog nolosheeda fanka ka leh waxayna xidigtaan tiri “Xiligaan la joogo jaceylka agteyda muhiimada ugu yar ayuu ka leeyahay, waxaa jiraan qorshayaal dhinaca fanka oo aan doonayo inaan ma miro dhaliyo”
“Taasi micnaheeda ma ahan inaan nolol sameesan doonin waa qasab inaan helo jaceyl iyo qof aan wehel ka dhigto balse hada ma ahan!”
Deepika sidoo kale waxaa la weydiiyay in haatan saaxiib ay leedahay iyo inay nolosha kali ku tahay waxayna ku jawaabtay “Wax walbo oo aad iga rabtaan ayaan idin kugu jawaabi karaa!”
Dabcan Deepika Padukone hadalada kasoo yeeray qalbiga uma qaboojin doonaan Ranveer Singh oo ay mudo sedex sano ah jaceyl wada jilayeen.
Laakiin tan iyo markii ay Deepika ku biirtay dhinacaas iyo Hollywood-ka ayada iyo Ranveer wey kala mashquuleen waqtina iskuma helin waxaana la isla dhex maraayay inay labadaan lamaane nolosha isku firaaqeeyeen!!!
Comments[ 0 ]
Post a Comment