Daawo: Siilaanyo oo Caawa Saq-dhexe hadlay, Kana Xanaaqay Shirkii IGAD ee ka Qabsoomay magaalada MUQDISHO
Thursday, September 15, 2016
HMN:- Hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo Caawa Saqdhexe Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa, ayaa ka hadlay Shirkii Madaxda IGAD ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
“Waxaanu cambaaraynayna war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Qodobka ka hadlaya Midnimada Soomaaliya, Waxaanu u aragnaa mid la majara habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah. Waxaanu caddaynaynaa inaanan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Somalia, ee looga taliyo magaalada Muqdisho” ayuu yidhi Siilaanyo.
Comments[ 0 ]
Post a Comment