Video xubno uu hogaaminayo Maxamed Cumar Carte oo Dacwad ka Gudbiyey Madaxwayne Xasan Sheikh
Monday, August 15, 2016
HMN:- Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo siyaasiyiinta ku beesha ah ee reer Somaliland ayaa ashtako ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay madaxweynaha goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan, iyaga oo saluugsan qaabka shirkii madasha wax loogu qaybiyay.
Xubnaha ayaa ka carreysiiyey tallaabadii Xasan Sheekh uu xubnihii Aqalka sare qaar ka mid ah ugu gacan geliyey Cabdi Weli Gaas.
Siyaasiyiinta waxay ka dalbadeen Shariif Xasan in uu abaabulo shir kale oo xaqa reer waqooyiga lagu so celinayo, iyagana ay si buuxda u taageerayan qorshaha iyo siyaasadda Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u sheegay inaysan jirin shir kale oo madasha ay yeelanayso, loona jiheystay doorasho iyo soo xulista xubnaha labada aqal ee soo dooran doona madaxweynaha, waxana sidoo kale ay siyaasiyiintan dacwad ka dhan ah Puntland iyo Madaxda ugu sareysa dowladda u gudbiyeen beesha caalamka.
Comments[ 0 ]
Post a Comment